Bukaan ka saaris waaxda jiifka Daaweynta aasaasiga ah ee xanuunka haddii aan wax kale lagu heshiin Kiniini Subax Duhur Fiid Habeen Taariikhda Dhamaadka Paracetamol (Pinex/Pamol/ 2 2 2 2 Panodil) 500 mg Paracetamol wuxuu shaqeeyaa 4-6 saacadood ee xanuunka maqaarka, murqaha, lafaha iyo kala-goysyada. Waxaa laga yaabaa inaad ugu badnaan qaadato 4000 mg. 24 saac (oo ah 8 kaniini 24 saac). Dawo xanuun baabi`iye dheeraad ah Morphine 10 mg Haddii uu jiro xanuun daran, waxaad qaadan kartaa: 0,5 - 1 kaniini Morphine 10 mg. Haddii aanad helin ladnaan 1 saac ka dib, waxaad qaadan kartaa 0,5 - 1 kiniin oo dheeraad ah. FIIRO GAAR AH: waxaad qaadan kartaa ugu badnaan 20mg. in ka badan 4 saacadood. Haddii aad halkii maalin u baahan tahay in ka badan 6 kiniin, waxaan kugula talineynaa inaad la xiriirto dhakhtarkaaga/dhakhtarka heeganka leh. Waxaa kiniinka morphine lagu siinaya, marka laga saarayo isbitaalka. Haddii aad u baahato xanuun baabiiye dheeraad ah ka dib marka laga saaro isbitaalka, waa inaad la xiriirtaa dhakhtarkaaga/dhakhtarka heeganka ah. Morphine waxay xanuunka daran shaqeysaa muddo 4-6 saacadood. Morphine waxay keeni kartaa lulmo, lallabbo, rabitaanka cuntada oo yaraata, matag iyo calool-istaag. Sidoo kale ka eeg arrinta ah Calool-fadhi. Waqtiga ugu horeeyo sharci ah in baabuur la wado waa 24 saac ka dib qaadashada morphine. Laguma talinayo in la isla cabo aalkolo iyo morphine. 3/3
Download PDF fil