Bukaan ka saaris waaxda jiifka Caabuqa nabarka/nabarrada Qandho, casaan, barar, kulayl iyo xanuunka nabarka/nabarrada,waxay noqon karaan calaamadaha caabuqa. Haddii aad yeelato calaamadaha caabuqa ee nabarka/nabarrada, waa inaad la xiriirtaa dhakhtarkaaga/dhakhtarka heeganka ah. Dun/ fiilooyin yar yar (clips) Waxa nabarka/nabarrada lagu xiray dun adag ama lagu qabtay fiilooyin ama la saaray sharooto (steristips). □ Duntu iskeed ayey milmaysa oo uma baahno in la saaro. □ Dunta iskeed u milmin, waxaa saaraya dhakhtarkaaga 10-12 maalmood ka dib qaliinka ama maalinta ugu horaysa ee xigta maalmo shaqeedka ah. □ Fiilooyinka yar yar (clips) waxaa saaraya dhakhtarkaaga 10-12 maalmo qaliinka kadib ama maalinta ugu horaysa ee xigta maalmo shaqeedka ah.Sharootooyinka (Steristrips - balastar yaryar oo dhuuban) ayaa la saarayaa 7 maalmood qaliinka ka dib, taas oo ay tahay inaad adigu sameyso. Calool fadhi Waxa laga yaabaa in calool istaag kugu dhaco haddii: • aad qaadato morfin (dawo xanuun baabi`iye xoogan) • aad cabto oo aad dhaqaaqdo wax ka yar sida caadiga ah. Waxaad kaga hortagi kartaa calool-fadhigu tusaale ahaan. "Sveskers" oo nooc miro ah, korodhi cabista biyaha iyo dhaqdhaqaaqa. Waxaad qaadan kartaa 2 kaniini oo Magnesia 500 mg ah habeenkii. (Magnesia waa dawo socodsiisa caloosha) Si kastaba ha ahaatee, bukaanada qaba cudur kelyeed, waxaa lagula talinayaa inaysan qaadan Magnesia. Haddii markii isbitaalka lagaa saarayey lagula taliyey in aad qaadato dawada "laxoberal" dhibcaha ah, waa in aad qaadata 10-15 dhibcood, 1-2 jeer 24 saac. La socodka bukaanka ee qaybta bukaan- socodka La socodka bukaanka ee qaybta bukaan-socodka ayaa la qorsheeyay taariikhda ______________ . Balanta waa lagugu yeeri doonaa. Heshiisyo kale: Dawooyin kale Bukaanada qaarkood waxay u baahan yihiin dawo dhiig khafiifiye ah qalliinka ka dib: □ Waa in lagugu duraa dawada Fragmin ka dib marka isbitaalka laga saaro ilaa taariikhda ______________ . □ Fragmin waa in la qaato abaaraha saacada 8:00 fiidnimo, haddii aan wax kale lagu heshiin. □ Waa inaad sii waddaa daawaynta dhiiga khafiifinta ee caadiga ah. □ Waa inaadan qaadan daawaynta dhiigga khafiifiyaha ah □ Waxaad qaadatay Metronidazole (antibiyootiko) □ inta aad ku jirtay isbitaalka. Laguma talin in la cabo aalkolo marka la □ qaadanayo metronidazole iyo 3 maalmood ka dib dhamaadka daawaynta, maadaama ay u dhaqmo sida antabuse. Haddii aad rabto inaad wax badan ka ogaato daawadaada, waxaad macluumaadka ka heli kartaa: Pro medicin boggaah: https://www.indlaegssedler.dk 2/3
Download PDF fil