Bukaan ka saaris waaxda jiifka Bukaanka iyo qaraabada Vælg farve Bukaan ka saaris waaxda jiifka ee qaybta Qalliinka A Waxaa lagu dhigay waaxda ______________ . Waxaa lagaa qalay ________________________ . Taariikhda Qalliinka: ____________________ . Waxaa lagugu qiimeeyay inaad diyaar u tahay bixitaan Dhakhtarkaaga ayaa loo soo diri doona warqad ku saabsan gelitaankaaga Isbitaalka Maxaa kula gudboon in aad ka digtoonaato Waxaad waaxda la soo xiriir kartaa 24ka saac ugu horreeya ka dib marka lagaa saaro isbitaalka, haddii aad leedahay: • Xanuun oo xanuun baabiiye aanu ku caawin • Qandho (heerkulka ka sarreeya 38). • Arrimo kale oo aan la xallin. 24 saacadood ka dibna, waxaad la xiriirtaa dhakhtarkaaga/dhakhtarka heeganka ah Waa muhiim inaad si fiican wax u cunto una cabto qalliinka ka dib Cuntadu iyo cabbitaanku ayaa muhiim ah, maadaama nabarku/nabarada ay u baahan yihiin nafaqo si ay u bogsadaan. Calooshaadu waxay sidoo kale u baahan tahay wax ay ku shaqeyso si ay mar kale u socoto. Waxaad cuni kartaa waxaad rabto, haddii aan wax kale lagu heshiin. Waxaa fikrad wanaagsan noqon karta in la qaato multivitamin 4ta toddobaad ee ugu horreeya ka dib marka isbitaalka lagaa saaro. Nadaafadda Waad qubaysan kartaa 24 saac qaliinka ka dib. Waa inaadan waaskada weyn biyaha laga buuxiyo ku qubaysan, kuna dabaalan biyaha xeebta badda ama aadan dhex gelin barkada hoolka dabaasha ka hor inta anay nabarku/ nabaradu bogsoon, yacni ka dib qiyaastii. 14 maalmood. Waaxda kala soo xiriir Waaxda sariiraha A1: 65 41 22 44 Waaxda sariiraha A2: 65 41 22 12 Waaxda sariiraha A4: 63 20 12 61 Waa muhiim inaad is- dhaqdhaqaajiso Jidhka aad bay muhiim ugu tahay in aad dhaq- dhaqaaqdo qalitaanka ka dib si nabarku/nabraha u bogsadaan oo calooshuna ay mar kale u socoto si saxarada u adkaan. Waa inaad dhaqdhaqaaqdo ilaa xadka xanuun. Xirfadlaha jimicsiga iyo tababarka jirka buug yaraha macluumaad sidaha ah ay ku siiso raac macluumaadka ku qoran. Ka saar balastarrada nabarka/ nabarrada. Waxaan kugula talineynaa inaad ka saarto balastarka 24 saac qalliinka ka dib, maadaama nabarku/ nabaradu u fiicantay in ay helaan hawo. Haddii nabarku/nabraradu ka soo baxayo dhecaan ama dunta faraqa dharka ka laalada dhibayso, waxaad si ku mell gaar ah nabarka u saari kartaa balastar. Odense Universitetshospital Kirurgisk Afdeling A Odense/Svendborg/Nyborg Tlf. 65 41 51 90 Mail via e-Boks på www.ouh.dk/odea Læs mere om afdelingen på www.ouh.dk/afda x 1/3 Materiale nr: 175572 09.03.2023
Download PDF fil